Ku Saabsan Xirfadyaal
Xirfadyaal waa madal loogu talagalay tijaabinta kartida xirfadeed.
Waxay diiradda saartaa cabbiridda xirfadaha dhabta ah ee looga baahan yahay
goobaha shaqada, gaar ahaan dhinacyada xisaabaadka iyo maaliyadda.
Himilada
In la cabbiro xirfadaha dhabta ah ee goobta shaqada iyadoo la adeegsanayo
qiimeyn dijitaal ah oo ku saleysan kartida xirfadeed.
Hadafka
In la bixiyo imtixaano iyo qiimeyn wax ku ool ah
oo xaqiijiya heerarka kartida xirfadeed ee qofka.
Yoolalka
- In la bixiyo qiimeyn cadaalad ah oo la cabbiri karo
- In la ogaado heerka diyaar garowga shaqo ee musharraxa
- In la la socdo natiijooyinka iyo waxqabadka ka qaybgalayaasha
- In la bixiyo hannaan qiimeyn oo hufan oo lagu kalsoonaan karo
Qiyamka
- Daacadnimo – Qiimeyn caddaalad ah
- Tayo – Imtixaano wax ku ool ah
- Hufnaan – Natiijooyin cad
- Kalsooni – Nidaam lagu kalsoonaan karo
- Horumar – Kor u qaadidda kartida xirfadeed